Washington, D.C. — Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka, ayaa si adag ugu jawaabtay Madaxweyne Donald Trump kaddib markii uu ku aflagaadeeyay Soomaaliya iyo asalkeeda, isagoo sheegay in “aysan jirin wax dal ah oo la dhaho Soomaaliya.”
Trump, oo wareysi siiyay barnaamijka The Ingraham Angle ee Fox News, ayaa ku maadeystay Ilhaan isagoo ku tilmaamay qof ka timid “dal aan lahayn booliis, ciidan iyo nidaam,” isaga oo hadalkaas ku muujinayay meel-dhaca iyo takoor lagu bartilmaameedsanayo xildhibaanad Soomaaliyeed oo ka mid ah haweenka Muslimiinta ah ee ugu saameynta badan siyaasadda Mareykanka.
“Dal kale ayee ka timid , waxayna noo sheegtaa sida dalkeenna loo maamulo. Waa wax waalli ah,” ayuu yiri Trump.

Hase yeeshee, Ilhaan Cumar jawaabteeda lama soo daahin. Qoraal ay soo dhigtay barteeda X ayaa ay ku tiri:
“Anigu si ka duwan adiga, ayaan wax u qori karaa, waana sababta aan u aqaanno waxa uu Dastuurka Mareykanka leeyahay.”
Hadalkan ayaa loo arkay mid si toos ah uga jawaabaya hadalka Trump, kaas oo ku andacooday in Ilhaan aysan fahmin Dastuurka Mareykanka, iyada oo ah haweeney muddo dheer u soo dooday cadaaladda, sinnaanta iyo xuquuqda muhaajiriinta.
Ilhaan, oo ku jirta xilliggeedii afaraad ee Congress ka, ayaa ka mid ah xubnaha ugu cadcad ee Dimuqraadiga. Waxay kasoo carartay dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya iyadoo siddeed jir ah, waxaana ay dhalashada Mareykanka heshay sannadkii 2000.
Trump ayaa horey ugu baaqay in Ilhaan iyo xildhibaanno kale oo midabkoodu madow yahay “ay dib ugu laabtaan dalalkoodii,” hadal loo arkay mid cunsuriyad cad ah. Dabayaaqadii Sebtembar, isagoo ku sugan Xafiiska Oval, ayuu Trump sheegay inuu “ku celinayo Ilhaan Soomaaliya,” isaga oo ku kaftamay in Madaxweynaha Soomaaliya uu u sheegay “in uusan doonaynin in uu aqbalo.”
Marka laga hadlayo hanjabaadaha ku saabsan in dhalashada laga laaban karo, Ilhaan ayaa sheegtay inaysan wax cabsi ah dareemeyn:
“Ma garanayo sida ay dhalashadayda u kala noqon karaan, ama sida ay ii masaafurin karaan. Ma aha hanjabaad cabsi leh, ma ahi siddeed jirkii dalka ka soo cararay; maanta waxaan ahay haweeney dhisan, carruurteyduna waa weynaadeen. Meel kasta oo aan rabo waan ku noolaan karaa.”
Dhinaca kale, Aqalka Cad ayaa si kaftan ah uga jawaabay arrinta, isagoo soo bandhigay sawir Trump oo ololihiisa doorasho ku jira, kana adeeganaya maqaayadda McDonald’s, arrin ay dad badan u arkayeen isku day lagu jees-jeesayo jawaabta Ilhaan.

1 thought on “Ilhaan Cumar oo Si Kulul Ugu Jawaabtay Trump”